Uncategorized

Faah faahin laga helayo Duqeyn Diyaarad oo ka Dhacday J/Hoose

Muqdisho-KNN=Duqeyntan oo ay fuliyeen Diyaarado Dagaal oo lagu waramayo in ay saarnaayeen Ciidamo Ajaanib ah ayaa la tilmaamay in   si gaar ah loola beegsaday Saldhig Shabaab  ku leeyihiin degmada Jamaame ee G/Jubada  Hoose.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in saakay aroortii mar qura ay ku soo tooseen iyada oo jawiga uu is bedelay, islamarkaana dhanka meelaha ay joogeen Al-shabaab ka maqlayeen Dhawaqa Rasaas xoogan iyo guuxa Diyaaradaha, taasi oo dadka qaarkood ku qasabtay in ay barakac sameeyaan.

wararka idaacada kulmiye ka heleyso duqeynta ayaa sheegaya in lala beegsaday xilli sarakiil ka tirsan Al-Shabaab ay Jamaame ku lahaayeen shir.

Ma jirto cid wali ka hadashay duqeyntaasi sidoo kale lama shaacin oo lama oga dowlada iska leh diyaradaha fuliyay duqeynta lala beegsaday saldhiga Al-shabaab deegaanka Jamaame ee Jubada Hoose