Muqdisho-KNN-Sida ay Sheegayaan Wararka nin ajnabi ah oo ka tirsan shaqaalaha hay’adda UNICEF lagu dilay xarun ay hay’addu ku leedahay degmada Wadajir ee Gobalka, Banaadir.
Ninkan la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha cuntada kariya ee xaruntaas ka howgala, waxaana dilkaasi geystay mid ka mid ah ilaalada Soomaalida ah ee la shaqeeya hay’adda UNICEF.
Ninka La Dilay Ayaa la Sheegay in uu u dhashay Dalka Uganda ilaa haddane lama oga sababta dilka ka danbeysa dhanka kale ninka dilka geystay ayaa baxsaday sida la sheegay
Ciidamada AMISOM ayaa lagu soo warramayaa inay halkaasi gaareen, isla markaana ay meeshaasi ka daad gureeyeen shaqaalihii ajnabiga ahaa ee xafiiskaas ku sugnaa.