Uncategorized

Faah Faahin Qarax Bam oo xalay ka dhacay Baydhabo.

Baydhabo-KNN-Faah Faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Bam Gacmeed ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay, Qaraxa ayaa lagu tuuray Askari ka tirsan Ciidamada amaanka Koofur Galbeed balse ma jirto wax Khasaaro ah oo ka soo gaaray.

Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in Qaraxa uu sababay Dhaawaca ugu yaraan 5 qof oo saddex ka mid ah Xaaladooda aad u liidato kadib markii qeybaha sare firir ka gaaray.

Ciidamada amaanka ayaa qaraxa kadib sameeyay Baaritaano lagu soo qabtay Koox dhalinyaro ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.