Uncategorized

Faah faahin:- Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 2 Askari ayaa ku dhintay tiro kalane dhaawacyo ayaa ka soo gaaray Qarax miino oo maanta haleelay Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo marayay duleedka magaalada Muqdisho.

Qarax ayaa haleelay Gaari Crib ah oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho waxa uuna ka dhacay meel u dhaw Kontaroolka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka oo qaraxaan ku aadan.

Deegaanada ku yaala duleedka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkaan dambe waxaa ku soo batay qaraxyada nuucaan oo kale, kuwaas oo lagu weeraro Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo aad ugu badan Isticmaalka Wadada.