Somali News

Faahfaahin khasaaraha ka dhashay qarax miino oo ka dhacay Muqdisho

Wararka inaga soo gaaraya degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax lala eegtay guddoomiye Waaxeed ka tirsan degmada Yaaqshiid.

Qaraxa ayaa waxaa lagu sheegay in uu ahaa miino dhulka lagu aasay, iyadoo haleeshay gaariga guddoomiyaha oo marayay laamiga Xayla-Bariise.

Goobjoogayaal idaacadda Kulmiye la hadlay ayaa u xaqiijiyay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca shan kale.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa kamid ah guddoomiye Waaxeedka iyo ilaaladiisa waxaana magaciisa lagu sheegay Axmed Cadde.

Dadka Qaraxa ku dhaawacmay waxaa kamid arday xilligaasi ku sugneyd goobta ay wax ka dhaceen. Waxaana xusid mudan in halkaasi ay dhowyihiin xarroomo waxbarasho.