Somali News

Faah faahin:-Qarax xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho-KNN-Qaraxaan ayaa xalay ka dhacay darbiga ama dhabarka dambe guri ku yaala ka soo horjeedka Warshadda Taraqa iyo Sigaarka ee wadada Warshadaha sida ay xaqiiniyeenak degaanka.

Qaraxa oo dhacay xili inta badan laga seexday magaalada Muqdisho ayaa dhawaaqiisa laga maqlay inta badan magaalada waxayna shacabka ku noqotay amakaag iyo cabsi.

Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay basle waxaa la sheegay in ay bur bureen dhismiyaal ku agyaalay halka uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamada Booliiska ayaa dhowr qof u qabtay qaraxaasi kadib markii ay gaareen halka ay wax ka dhaceyn ma jirto wax faah faahin oo ay bixiyeen hey’adaha amaanka ee magaalada Muqdisho.