Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

Faah Faahin qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar.

Muqdisho-KNN- Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Xusseen Cismaan ayaa la sheegay in uu ka badbadaaday qaraxii maanta ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar oo ku yaala degmada Xamar –Jajab meel aan ka fogeyn dekedda Muqdisho.

Taliyaha ayaa la sheegay  in si dhib ah uga badbaaday qaraxaasi waxa uuna ku soo aaday oo wax yar ka hor markii uu soo gallay gudaha xabsiga waxaana halkii uu taagnaa oo u dhawaa Masaajid soo abaaray qofkii isku soo xiray Waxyaabaha Qarxa.

Askari ka tirsan ciidamada oo ilaalo u ahaa Taliyaha Asluubta  iyo qofkii weerarka geystay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qaraxa oo lagu bartilmaameesaday Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Falkan is qarxinta ah ayaa gaar ahaan ka dhacay ilinka hore masjid ku yaala gudaha xabsiga oo xiligaa ay dadku ku tukanayeen Salaada Jimcaha.

Masaajiidkan uu qaraxa ka dhacay  ayaa la sheegay in ay ku tukadaan saraakiisha xabsiga, kuwa maxkamadaha iyo shaqaalaha.

Laamaha amniga ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira qaraxa iyo qofka weerarka geystay sida uu ku soo galay gudaha Xabsiga.