Uncategorized

Faah-Faahin:- Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho–KNN–Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaari loo adeegsaday oo Galabta ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho oo Xilligaas aad u Mashquul badnaa,waxaana Qaraxu uu Sababay Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Dadkii Shacabka ahaa ee ku sugnaa Goobta.

In ka badan 10 Qof oo Shacab ah ayaa la sheegay in Qaraxa Galabta ay ku dhinteen sida uu soo sheegayo Wariye C/qani C.llaahi Ibraahin oo KNN ka tirsan islamarkaana Goobta tagay,waxaana Dhaawacu uu ka badan yahay 20 Ruux.

Sidoo kale waxaa Burbur Xoog leh uu soo gaaray Goobihii Ganacsiga ee ka ag-dhawaa Goobta uu Qaraxu ka dhacay,waxaana Goobaha Burburay kamida Hotelka Safaari oo ah Hotel ku yaalla Zoobe.

Gaadiidka Gurmadka Deg dega ah ayaa gaaray Goobta uu Qaraxu ka dhacay si ay Gurmad ugu Fidiyaan Dadka ay Mashaqadu qabsatay.