Uncategorized

Faah-faahin Qaraxii ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama Ee Muqdisho”Sawiro”

Muqdisho–KNN– Faah-faahin dheeri ah ayaa ka soo baxeysa Qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan ka soo horjeedka Hotelka Weheliye.

Gaariga laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa la sheegay inuu waday Qof kaas oo isku Qarxiyay Dad ku sugnaa ka soo horjeedka Hotelka Weheliye.

Col. Qaasim Axmed Rooble oo ah Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Saxafiyiinta u sheegay in Gaariga ay Fashiliyeen Ciidamada Booliska,islamarkaana ay ku dhinteen Labo Qof oo uu ku jiro Qofkii waday Gaariga ee Is qarxiyay.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in illaa Sagaalo Qof ay ku dhaawacmeen Weerarka Isqarxinta ah.

Warar Madax Banaan oo ay heshay KNN ayaa sheegaya in Dhimashadu ay gaareyso illaa Saddex Qof oo uu ka mid yahay Qofkii waday Gaariga Qarxay.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa ayaa loo qaaday Goobaha Caafimaadka Ee Magaalada Muqdisho si Xaaladdooda loola Tacaalo.