Muqdisho-KNN-Iyadoo xalay labo qarax ay ka dheceen magaalada Muqdisho ayaa waxaan ilaa hada lasoo warin cid ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxyadaas.
Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay dhabarka danbe ee barxada Iskaashatooyinka ee degmada Xamar weyne, waxaana qarxay Gaari NOAH oo goobta la dhigay mana geysan wax khasaaro Nafeed ah.
Qaraxa labaad ayaa la sheegay in uu ahaa Miino nuuca dhulka lagu aaso waxa uuna ka dhacay Iskuul Jabuuti degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, mana jiraan wax khasaaraa oo laga soo wariyay qaraxaas.
Ciidammada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ninki waday gaari ku qarxay agagaarka iskaashatooyinka gaadiidka ee degmada Xamar weyne.
Ciidanka ayaa sidoo kale xiray labo qof oo la tuhmay in ay waxka ogaayeen qaraxaas.