Muqdisho-KNN-C/laahi Shiikh Cumar oo sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ka badbaaday weerar ay ku qaadeen Dagaalamayaasha Al-Shbaab waxaana soo gaaray dhaawac sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.
Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan Sarkaalka la weeraray in uu yahay Agaasimaha Waaxda shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa sheegay in ay ka danbeeyeen weerarkaan islamarkaana ay gaarsiiyeen dhaawac culus balse wararka madaxa banaan oo ay heshay KNN ayaa sheegaya in sarkaalka uu qabo dhaawac Fudud hadana lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalo magaalada Muqdisho.
Shabaab ayaa rasaas ku furay Sarkaalkaan xilli shidaal ku shubanayay Gaarigiisa Kaalin shidaal oo ku taala degmada dharkeynlay ee gobalka Banaadir.