Uncategorized

Faah-faahin Weerarkii ka dhacay Degmada Dharkenley Ee Gobolka Banaadir

Muqdisho–KNN– Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Gaarigii lagu Weeraray Agagaarka Suuq Liif ee Degmada Dharkeynley uu Saarnaa Aabaha Dhalay Wasiirka Caadimaadka Galmudug Niciimo Maxamed Maxamuud Catoosh oo lagu Magacaabo Maxamed Maxamuud Catoosh.

Maxamed Maxamuud Catoosh oo ah Aabaha Dhalay Wasiirka Caafimaadka Galmudug Naciimo Catoosh ayaa Saakay ka yimi Dalka Dibaddiisa,waxaana Garoonka Aadan cadde looga soo qaaday Gaariga Wasiirka Caafimaadka Galmudug Naciimo Catoosh.

Dhaawaca Maxamed Maxamuud Catoosh  ayaa hadda lagu Dabiibayaa mid kamida Goobaha Caafimaad ee Magaalada Muqdisho.