Somali News

Faah-faahino dheeraad ah oo kasoo baxayo dilal ka dhacay Muqdisho

Xaafadda Ceel Aw-muudde ee degmada Boondheere ee gobolka banaadir waxaa Xalay goor dambe lagu dilay laba wiil oo dhalinyaro ahaa sidoo kalana ahaa saaxiibo isku dhaw.

Wiilashaan ayaa la dilay kadib markii ay wada murmeen nin lagu magacaabo jibriil oo mar ahaa taliyaha Nisa ee degmada Cadalle ee gobolka Shabellada dhexe balse haatan howl-geb ahaa.

Dilka kadib ayaa ninka falkaan fuliyay oo lagu magacaabo jibriil lagu  waxaa la sheegay in uu baxsaday illaama haddane aan la aqoon halka jaan iyo cirib uu dhigay.

Waxaa xasuusin mudan in labada wiil ee la dilay mid kamid ah uu ahaa dhalinyarada Nisa ee degmada boondheere.

Maydadka dhalinyarada ayaa waxaa ay ku jiraan qaboojiyaha isbitaalka digfeer, iyadoo qoysaskooda tilmaameyn in aan la  aasi doonin inta laga keenayo ninka dilka geystay.