Uncategorized

Faah Faahino dheeraad ah oo laga helayo dagaalkii saakay ka dhacay Beled-Xaawo ee G/Gado.

Belad-Xaawo-KNN-Xaaladda degmada Belad-Xaawo ee Gobalka Gado ayaa la soo sheegaya in hada ay Xaaladda tahay mid dagan ka dib markii ay si buuxda Al-Shabaab ula wareegeen degmadaasi,

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Belad-Xaawo ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in ay arkeen Meydadka ugu yaraan 10 qof oo isugu jira dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay ee Jubbaland iyo Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay la hadleen Qaar ka mid ah Shacabka markii ay magaalada qabsadeen waxayna ka dalbadeen in ay is dajiyaan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ay dad shacab ah ay Al-Shabaab qab qabteen.

Saldhigga Ciidanka Booliska, Xero ay ku sugnaayeen Ciidan Daraawiish ah iyo Xarunta Degmada ayaa la sheegay in ay Al-Shababa qabsadeen Islamarkaana ay mudo ku sugnaayeen Xarumahaasi.

Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay Calankooda ay ka taageen meelo ka mid ah degmada Belad-Xaawo ee Gobalka Gado.

Afayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 24 Askari hub iyo gaadiidna ay ku qabsadeen, ma jirto Cid Al-Shabaab ka madaxbanaan oo tirada dhimashada 24-ka qof ah Xaqiijin kara.