Waxaa faah faahino dheeraada ay kasoo baxayaan qarax Ismiidaamin ah oo lagu weraray xero ay ciidamadda dowladda iyo kuwa Macwiisleyda ku lahaayeen degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.
Weerarkan oo lasheegay inuu fuliyay qof Ismiidaamiye ah oo watay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa jugta qaraxa waxaa si weyn looga maqlay xaafadaha degmadaasi.
Inta la xaqiijiyay saddex qof oo uu kujiro taliyihii dambi baarista CID-da magaalada Baledweyne Jamaal Axmed Jaamac ayaa ku geeriyooday qaraxa lix qof oo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray,
iyadoo waxyeelada ugu badan ay gaartay ciidamada Huwanta ah ee lala beegsaday, si gaar ah weerarka waxa uu uga dhcay meel kaabiga ku heysa shirkad Isgaarsiin oo kutaala degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.