Somali News

Faah faahino ka soo baxaya dilka Taliyihii Amniga Degmada Doolow

Warar dheeraad ah ah ayaa ka soo baxaya dil degmada Doolow ee gobolka Gedo loogu geystay Taliyihii Amniga degmadaasi, Ibraahim Hilowle Xuseen.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Taliyaha lagu dilay mid kamid ah Hoteelada degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanka dilka Taliyaha, isla markaasna la xiray dad ay ku jirto xaaskiisa oo lagu eedeynayo dilka.