Somali News

Faah-faahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay is-rasaaseyn ka dhacday Boosaaso

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal maanta Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Puntland ku dhexmaray meel u dhow Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamada Ammaanka ee PSF ay isku dayeen in ay u gudaha u galaan garoonka Diyaaradaha Boosaaso, kaasi oo loo diiday in ay ka soo degto diyaarad waday wefdi ay hogaamineyso Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Isku dhaca dhexmaray Ilaalada Garoonka iyo Ciidanka PSF ayaa waxaa la soo warinaya in ay ku dhinteen ilaa Ilaa 10 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland, halka 2 qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen.

Diyaasada waday Xildhibaan Sacdiya ayaa laga celiyay Garoonka, waxaana ay shidaal ka qaaday Boosaaso, markaasi oo dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho.