Somali News

Faah faahino ka soo baxaya Madaafiic ku dhacay Xaafadaha Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya madaafiic saaka ku dhacay qeybo kamid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Goobaha ay ku dhaceen madaafiida ayaa waxaa kamid ah degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Saddex madfac ayaa ku dhacay Xirada Turkey Som ee lagu tababaro ciidamada dowladda, iyana maamusho dowladda Turkiga.

Dad u badan shacab ayaa ku dhaawacmay, ilaa haddana lama soo warin wax dhimasho ah.

Laamaha amniga weli faah faahin kama bixin khasaaraha ka dhashay Madaafiicda iyo halka ay ka yimaadeen.