Somali News

Faah faahino ka soo baxaya qarax is miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir.

Goobjoogeyaal ayaa inoo sheegay in qof isku soo xiray walxaha qaraxa uu isku qarxiyay makhaayad ku taala agagaarka taalada Sayidka lana yiraahdo Bar Bulsho ayaa waxaa fariista ciidanka dawladda iyo dad shacab ah.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxa.

Afhayeenka Boliiska ayaa sheegay in shan ruux ay ku geeriyoodeen qaraxa is-miidaaminta.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaan.