Somali News

Faah-faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha

Muqdisho-KNN-Qarax xoog leh oo dhaliyey khasaare nafeed ayaa maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka ku nool deegaankas.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa dadka deegaanka Ceelasha Biyaha waxa ay sheegeen in lala eegtay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo ilaalo u ahaa saraakiisha Turkiga ee ku howlan dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, mid kalena uu ku dhaawacmay ,kaas oo loo soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho.

Qaraxa markii uu dhacay ayaa waxaa la sheegay in ciidamada dowladda ay fureen rasaas badan, welina lama soo werin wax khasaare ah oo dadka shacabka ah ka soo gaaray rasaastaas.

Wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa inta badan waxaa qarax lagula eegtaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, waxaana xusid mudan inta badan in dad shacab ah wax yeello ka soo gaarto.

Al-Shabaab oo la rumaysan yahay inay ka soo hor jeedaan dhismaha ku socda wadada laamiga ah ee xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa dusha u rita mas’uuliyadda qaraxyada ka dhaca wadadaas.

Qaraxii ugu weynaa ee lala beegsaday Injineerada ku howlan dhismaha wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa 28-kii bishii December ka dhacay isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee Muqdisho, waxaana ku dhintay 81 qof oo shacab u badnaa, iyadoo ay ku dhaawacmeen in badan 140 kale, waxaana dadka dhintay xilligaas ku jiray Injineerro Turkish ah oo ku howlanaa dhismaha wadadaas.