Somali News

Faah-faahino ka soo baxaya weerarro ay Al-Shabaab ka fuliyeen Luuq iyo Baarsanguuni

Kismaayo-KNN-Faah-faahino dheraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidanka militeriga Soomaaliya ay ku leyihin degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo socday muddo ku dhow sacad ayaa la sheegay in dhinacyada dagaalamay ay isku adeeg sadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Inta la ogayahy dagaalkaas waxaa ku geeriyooday hal askari oo ka tirsan ciidanka dowladda, halka sarakiisha gobolka ay sheegeen in dhowr dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen dagaalkaas.

Weerarkaas kadib ciidanka dowladda ayaa xaafadaha kala duwan ee magaalada Luuq waxay ka sameeyeen baaritaano sida ay sheegeen ay ku baadi goobyaan xubnihii weeraakaas ku soo qaaday magaalada.

Dhanka kale ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Jubbaland oo isku dhinac ah  iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee Baarsanguuni ayaa warbahainta u soo bandhigay meydadka labo xubnood oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Weerarka ka dhacay Baarsanguuni waxaa soo qaaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana guul ka sheegtay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan halkaas.