Somali News

Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay G/Hiiraan

Waxaa ay faah faahino ay kasoo baxayaan dagaal xoogan oo ka dhacay deegaanka Qarboosh oo ka tirsan degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, kaas oo u dhaxeeyay Maleeshiyaad macawiisey ah iyo dagaalamayaal ka tirsan  Al-Shabaab

Dagaalka oo socday muddo ku dhow hal saac ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal Al-Shabaab ah ay weerareen guddomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadds dagmada Matabaan Ducaale Aadan Garaase iyo Maleeshiyaadka macawiisley ah oo habeen hore Al-shabaab kula dagaalamay deegaanka bacda oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Warar ayaa sheegaya in kooxdii weerarka soo qaaday ay deegaanka la wareegeen, kadib markii ay isaga baxeyn Maleeshiyaadkii macwiisleyda ahayd iyo Ciidamo uu watay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga ee degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Wararka waxaa ay intaa ku darayaan in Maleeshiyaadkii macawiisleyda ee deegaanka ka baxey ay soo food saartay hubyri, waxaana la sheegay iney ka’goday rasaastii ay heesteen.

Dagaalkaan ay Al-shabaab kusoo qaadeen deegaanka Qarboosh ayaa kusoo aadaya, iyadoo habeen hore dagaal ka dhacay deegaanka Bacda  Al-Shabaab looga dilay ku dhawaad 10 dagaalme sida uu sheegay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Majirto ilaa iyo hadda war kaoso baxay Taliska Maamulka Gobolka hiiraan oo la xiriira dagaalmaan, sidoo kale ma jirto wax gurmad ah oo ay heleen Maleeshiyaadkii deegaanka ee dagaalka la gashay Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab.