Muqdisho-KNN-Dagaal culus oo u dhaxeeyay Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa ka dhacay Deegaanka Qalimow ee Hoostaga Dagamada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Al-Shabaab oo dhoowr jiho ka weeraray degaanka Qalimow, ayaa shegay in ay gacanta ku dhigeen degaanka qalimoow, halkaasna ay qaateen Saanad Ciidan, wallow aan la xaqiijin karin sheegashada Al-shabaab.
Qoraal ay soo dhigeen Baraha ay Intarnetka ku leeyihiin Al-shabaab ayeey sidoo kale ku shegeey in ay jab xoogan gaarsiiyeen Ciidamada dowladda ee halkaasi ku dugnaa.
Dhinaca kale Goob-joogayaal u waramay KNN ayaa u sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa jug culus kahor inta uusan bilaaban daagalka taa oo ay shegeen in loo maleynayay Qarax lagu weeratay degaanka, intaas kadib waxa ay shegeen in ay sidoo kale cabsi xoogan soo wajahday kadib rasaas culus oo ay labada dhinac is weeydaar sadeen, waxaana sida ay shegeen Al-shabaab usuura gashay in ay si buuxda gacanta ugu dhigaan Qalimow.
Saraakisha Ciidamadda qalabka sida ee gobolka shabeellada dhexe iyo maamulka degmada wali kama aysan hadlin dagaalka, waxaana Knn Dadka degaanka ay ushegeen in uu jiro khasaaro Dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac kala gaaray.
Al-shabaab ayaa sidaan oo kale todobaadyo ka hor waxa ay weerar ku qaadeen degmada balcad halkaas uu ka dhashay khasaaro xoogan, waxaa Al-shabaab ay dib uga baxeen balcad kadib qabsashadooda .