Somali News

Faah-faahino kasoo baxayo Qarax ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Faah-faahino dheraad ayaa kasoo baxayo qarax miino oo gordhaw ka dhacay magaalada muqdisho gaar ahaan Degmada Kaaraan.

Sida ay xaqiijiyeen Goobjoogeyaal la hadlay KNN Qaraxa ayaa ahaa Miino nuuca dhulka lagu aaso, taa oo la dhigay Agagaarka Masjidka Turkiga  oo ka tirsan Waaxda Jamhuriya  ee degmada Kaaraan, Waxaana Qaraxa lala eegtay, Taliyaha saldhiga degmada Kaaraan Gaashaanle Salad Caraale.

Dadka degaanka ayaa kusoo waramay in miinada dhulka lagu aasaya aysan sababin wax khasaare ah, waxaana sidoo kale aan wali goobta gaarin Laamaha Amniga degmada kaaraan .

wixii kusoo kordha halkaan kala soco.