Somali News

Faah faahino laga helayo qarax ka dhacay xadk Soomaaliya iyo Kenya

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay xuduuda magaalooyinka Mandera iyo Beledxaawo.

Goobjoogeyaal ayaa inoo xaqiijiyay in Qaraxa ahaa miino ayaa ka dhacay goob lagu magacaabo Mandazi oo laga gudbiyo qaadka soo gala gudaha Soomaaliya.

Ilaa hadda ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay deegaanno ku dhow xadka.

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa weeraro ka geysta deegaannada xadka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana inta badan uu khasaare ka soo gaara Askarta Kenya iyo dad rayid ah.