Somali News

Faah-faahino laga helayo Qaraxyo caawa ka dhacay Muqdisho

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya laba qarax oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa kowaad oo ahaa miino ayaa ka dhacay deegaanka KM13 ama Tareedisho, waxaana lala eegtay Ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo halkaasi marayay.

Sidoo kale, qaraxa labaad ayaa ka dhacay Xirada Badbaado oo isna ahaa Miino nuuca dhulka la geliyo, waxaana uu ka dhacay Makhaaxi lagu cabo Shaaxa.

Labada qarax waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay hal ruux, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha Ammaanka.

Lama oga cida rasmiga ee ka dambeysay qaraxyadani caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.