Somali News

Faah-faahino:- Qarax dad ay ku geeriyoodeen oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo xalay ka dhacay degmada Dharkeynlay, gaar ahaan xerada Xerada Badbaado.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen 7 qof, halka 5 qof ookalana ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale qarax kale ayaa isna waxaa uu ka dhacay deegaanka KM13, kaasi oo lala eegtay ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliaydda qaraxayadan.

Sidoo kale ,ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee Soomaaliya.