Somali News

Faah faahinta weerar Al-shabaab ku qaadeen Ciidan Kenyan ah

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Wargaduud ee Ismaamulka Mandheera Gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in halkaasi dagaal ku dhexmaray Ciidamo katirsan kuwa Kenya iyo Xubno ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay jidka u galeen ciidan ka tirsan kuwa Kenya oo maraayay deegaanka War-gaduud.

Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeriyootay dagaalka oo laba kamid ah ka tirsan yihiin Ciidanka Kenya, halka qof kalena yahay macalin.

Sidoo kale raga weerarka geystay ayaa waxaa ay burburiyeen birta isgaarsiinta degaanka .

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Laamaha amaanka ayaan weli ka hadlin werarka ka dhacay wargaduud .