Somali News

Faahfaahin:-Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamay Gobalka Bari.

Muqdisho-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal uu dhexeeya dagaalamayaasha  Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamaya deegaanka Ceelka Miraale oo qiyaastii 70KM u jira magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Dad goobjoogayaal ah ayaa KNN u sheegay in ay maqlayaan  dhawaaqa rasaas iyo hubka noocyadiisa kala duwan oo la isku adeegsanayo.

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka shalay iyo ilaa iyo saakay ka socda deegaano ka tirsan Gobalka Bari.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay Daacish  ku amreen in ay ka guuraan dhulka wadooyinka ah ee buuraha gobalka Bari, markii ay tageen agagaarka Ceelka Miraale.

18-kii bishii December ee sanadkii 2018, ayey ahayd markii Al-Shabaab iyo Daacish uu dagaal ku dhex-maray meel aan ka fogayn dhulkan buralayda gobolka Bari ah.