Somali News

Faahfaahin:- Askar ka tirsan Puntland oo xalay lagu qarxiyay Boosaaso

Boosaaso-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo xalay ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Inta la ogyahay 3 askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo xalay  lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidanka Booliska.

Sarkaal ka tirsan Booliiska magaalada Boosaaso ayaa sheegay in xalay ilaa iyo saakay ay baaritaano ka wadaan bartamaha Magaaladaasi.

Magaalada Boosaaso ayaa inta badan waxaa ka dhaca qarax miino oo lala eegto ciidamada ka tirsan Maamulka puntland, waxaana qaraxyada badanaa sheegtay Al-Shabaab iyo Daacish oo ku sugan Gobalka Bari.