Somali News

Faahfaahin:- dagaal ka dhacay Hiiraan

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ay wadada u galeen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya,kuwaasi oo ku safrayay inta u dhexeysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulaburde ee Gobalka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa KNN usheegay in dagaal kooban uu dhexmaray kolonyo ka tirsan ciidamada xoogga iyo kuwa Al-Shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in saraakiil lagu magacaabo  Cabdi Suul Nuug oo ah taliye Urur ka tirsan Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Buulo Burde la weeraray.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in labo askari ay ku dhaawacmeen, dagaalkii ka dhacay nta u dhexeysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulaburde ee Gobalka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa KNN u sheegay in khasaaro lixaad leh la gaarsiiyay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.