Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan dagaal xalay magaalada Dhuusamareeb ku dhex maray ciidamo ka kala tirsan dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Ahlusunna
Dagaalka ayaa ku bilowday sida la sheegay, markii gaari kasoo baxay xarunta Inji oo ay degan yihiin hoggaanka Ahlusunna, uu isku dayay in uu xoog ku maro bar kontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ee soomaaliya, sida ay goobjoogayaal u shegeen KNN.
Rasaas in mudo ah socotay ayaa laga maqlayay agagaarka xarunta Inji oo maalmihii u dambeeyey ay go’doon ku ahaayeen hoggaanka sare ee Ahlusunna.
Inta la xaqiijiyay 1 qof ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka 5 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen, iyadoona dadka ku dhaawacmay dagaalka la dhigay isbitaalka Magaalada Dhuusamareb.
Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu warsaxaafadeed ka soo saaray dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb, waxaa ayna sheegeen in nasiib daro tahay in Ahlusuna ay weerar ku qaadaan Bar kontorool oo ay ku sugnaayaan ciidamo ka tirsan Dowladda federaalka Somalia.
“Waxaa nasiib daro la dhihi karaa in wadado ku jira xarunta Inji ay si barer ah weerar ugu qaadaan bar kontorool oo u dhaweyd isbitaalka weyn ee magaalada Dhuusamareeb, ilaa iyo hadana la garanay sababta ka dambeysa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Maamulka Galmudug.
