Somali News

Faahfaahin dagaallo culus oo saakay ka dhacay Awdheegle iyo Bariire

Muqdisho-KNN-Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay waaberigii hore weerarro culus oo ku bilkaawday qaraxyo waxay ku qaaday laba saldhig oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Waxaa jira khasaare ka dhashay dagaalkaas oo ahaa mid culus oo sacado socday, balse lama oga inta uu dhanyahay khasaaraha rasmiga ah, waxaana la soo werinayaa in ciidamada dowladda ay iska caabiyeen dagaalamayaashii soo weeraray.

Warbaahinta taageerta kooxda ayaa waaberigii hore ee saakay baahisay in Al-Shabaab ay cagta mariyeen labada saldhig ee weerarka ay ku qaadeen oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle.

Qoraal lagu baahiyey bogga Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo markasta kafeejigan dhagarta cadawga  waxeey hortageen weeraro maleeshiyaadka Al-Shabaab isku dayeen inay kusoo qaadaan degmada Awdheegle iyo degaanka Bariire ee Gobolka shabeelaha hoose. Gaadiid waxyaabaha qarxa ay kasoo buuxiyeen ayay ciidanka xoogga kaga hortageen magaalooyinka banaankooda. Al-Shabaab waxaa halkaasi lagu gaarsiiyay qasaare xoogan  meeydad badan ayay ka carareen.”

Muuqaalo ay iska soo duubeen ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Gor Gor ee militeriga Soomaaliya ayaa muujinaya isaga oo dabaal degaya oo ku qeylinaya “Soomaaliya hanoolaato, ciidanka Gor Gor ha guuleysto” iyo erayo kale waxaana dhulka daadsan meydadka rag ay ku sheegeen inay ka dileen Al-Shabaab.