Somali News

Faahfaahin: Dhalin yaro xalay lagu dilay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay labo wiil oo dhalin yaro  ahku dileen degmada Dharkeynlay ee Gobalka Banaadir

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Agaga gaarka Xaaji Gaabow degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho.

Dhalin yarada la dilay ayaa waxaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa Ganacsato ah, islamarkaana si weyn looga yaqaanay Degmada Dharkeynlay ee Gobalka Banaadir.

Kooxda dilka geystay ayaa waxaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, iyadoona goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhacaya dilal qorsheysan ee loo geysto dadka rayidka iyo askarta ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.