Somali News

Faahfaahin ka soo baxaya qarax iyo iska horimaad xalay ka dhacay Muqdsho.

Muqdisho-KNN-Qarax gaari oo jugtiisa inta badan laga maqlay Magaalada Muqdisho ayaa xalay  ka dhacay isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa nuuciisa uu ahaa miinada dhejiska, waxaana lagu xiray mid ka mid ah gawaarida raaxada.

Gaariga Qarxay ayaa waxaa watay Eng Maxamed Cabdi Kaariye oo ka mid ahaa dhinyaradda firfircoon ee ka shaqeeya Qandaraasyadda dhismaha Muqdisho.

Dhanka kale  Iska hor imaad mudo kooban socday ayaa xalay waxaa uu ka dhacay Igsoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay joogaan Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in iska hor imaadka uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la ogyahay hal qof ayaa geeriyooday, halka 3 kalana ay ku dhaawacmeen.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada ay ka shakiyeen gaari ay wateen Rag hubeysan intaasi kadidbna ay amreen inuu istaago balse rasaas ay soo rideen kooxdii gaariga saarnaa.