Uncategorized

faahfaahin ka soo baxaya Sarkaal ka tirsan Puntland oo xalay lagu dilay Gaalkacyo.

Gaalkacyo-KNN-Wararka laga helayo  Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug, ayaa Waxaa ay sheegayaan in Xalay Halkaasi lagu Dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Difaaca maamulka Puntland.

Sarkaalkan ayaa lagu Dilay Irida Hore ee Gurigiisa, waxaana la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeyay kooxo hubeysan oo ilaa haatan la garaneyn heebtooda,sida ay sheegeen Dadka Degaanka oo la hadlay idaacadda Kulmiye.

Sidoo kale Sarkaalka la dilay ayaa magacisa lagu soo koobay Qaley Yuusuf Jiile, waxaana uu ahaa Taliyaha Ciidamada Xereda lagu magacaabo ( INJI) oo ah Xero Ciidan oo ku taalla Magaalada  Gaalkacyo.

Intaa kadib Waxaa goobta uu dilka ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan Puntland oo halkaasi howlgalo ka sameeyeey si ay gacanta ugu so dhigeen kooxihii ka dambeeyay dilka loo geystay Sarkaalkan ka tirsan Ciidanka Maamulka Puntland.

Magaalada gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa mudooyinkii dambe ayaa waxaa ka dhacayay dilka qorsheysan ee lagula kacayo askarta ka tirsan puntland iyo dadka Shacabka ee Aan waxba galabsan.

Hayeeshee Dilka Sarkaalkan ayaa waxaa uu imaanayaa xilli magaalada Gaalkacyo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali gaas.