Somali News

Faahfaahin: Khasaaraha iyo bartilmaameedka qaraxii ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iyo bartilmaameedka qaraxii saakay ka dhacay wadada Cabdiqaasin – degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo noociisu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa lala beegsaday gaadiid uu la socday Taliye xigeenka ciidanka xoogga, Jeneraal Cabaas oo marayay agagaarka iskuulka Hoyga Xamar ee degmada Hodan.

Inta la xaqiijiyey laba askari oo ka tirsaneyd ilaalada Taliyaha ayaa ku geeriyootay qaraxaas.

Sidoo kale waxaa jira khasaare u badan dhaawacyo oo soo gaaray dad u badan shacab, kuwaas oo wadada marayey.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in qaraxa kadib ay goobta gaareen ciidamo boolis ah, kuwaas oo xiray wadada.

Wixii ka kordha kala soco KNN