Somali News

Faahfaahin khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo noociisa lagu sheegay miino lagu aasay wadada dhinaceeda.

Qaraxaas oo si gaar ah uga dhacay meel aan ka dheereyn warshada Xeyle Bariise ee degmada Hiliwaa, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Bartilmaameedka qaraxaas ayaa ahaa gaari ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada wadooyinka ee loo yaqaano taraafikada, waxaana ku dhintay wadihii gaarigaas oo ahaa Kaarib, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Sidioo kale seddax qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, kuwaas oo laba askar tahay, halka qofka kale uu ahaa shacab wadada iska marayey, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa kadib howlgallo ayey ciidamada ammaanku ka sameeyeen xaafadaha ka agdhow halkaas, mana jirto ilaa hadda cid la shaaciyey in loo soo qabtay falkaas.