Somali News

Faahfaahin:-khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Taliyaha ciidanka booliska ee degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir ayaa ku dhaawacmay qarax daqiiqado ka hor ka dhacay Saldhigga booliska ee degmadaasi, sida ay KNN u sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Xamarweyne

Nin laga shakiyay ayey isku dayeen ciidanku in ay qabtaan balse waxaa la sheegay in uu ku tuuray jaakad ay qaraxyo ku xirnaayeen, waxa ayna dhaawacyo ka soo gaareen ciidan, taliyaha Saldhigga iyo dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.

Ciidanka ayaa qabtay ruuxii damacsanaa in uu isku qarxiyo Saldhigga booliska ee jaakadii Qaraxa ka cararay.

Ciidamada ammaanka aya baaritaano ka wado goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona gabi ahaanba xiray halka uu qaraxa ka dhacay.