Somali News

Faahfaahin khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka isgoyska KM-4.

Qaraxa oo ahaa mid miino ayaa la dhigay dhinaca wadada ka baxda isgoyska KM-4 ee aadda dhanka garoonka Aadan Cadde ee sii hor-marta Hotelkii dhawaan la weeraray ee Afriik.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka ugu yaraan seddax qof oo kale ay ku dhaawacmeen, sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.

Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari ay wateen ciidamo boolis ah, kaas oo ahaa nooca aysan xabadu karin, waxayna dadka ku waxyeeloobay dhamaantood ahaayeen shacab wadada marayey.

Sidoo kale burbur xoog leh ayaa soo gaaray goobo ganacsi oo lagu iibiyo qalabka lagu dayac-tiro gaadiidka ee loo yaqaano (SPARE PARTS-ka) kuwaas oo aad ugu dhawaa goobta la dhigay qaraxaas.