Somali News

Faahfaahino dagaal ka dhacay Goofgaduud buurey.

Muqdisho-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal maanta ka dhacay Deegaanka Goofgaduud buurey ee Gobalka bay, kaasi oo u dhexeeyay dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamada Xoogga dalka.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo, iyadoona Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Gooafgaduud ee Gobalka Bay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Khasaaro uu ka dhashay dagaalkii u dhexeeyay Al-Shabaab iyo Ciidamada Xoogga dalka.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya in ciidamo Badan oo ka tirsan Militariga Soomaaliya ay gurmad ahaan u aadeen deegaanka Goofgaduud Buurey ee Gobalka bay.

Ciidamada Gurmadka ah ayaa ka cabsinayay in wadada ay isticmaalaayaan loo geliyo miinooyin ay Shabaab ku aaseen duleedka Deegaanka Goofgaduud buurey.

Gaadiid badan oo ay wateen ciidamada ayaa lagu arkayay tuulooyin u dhow deegaanka Goofgaduud Buurey ee Gobalka Bay.

Deegaanka Goofgaduud Buureey ayaa maanta cabsi badan laga dareemayaa, iyadoona Dadka Deegaanka ay ka cabsi Qabaan in Al-Shaabaab iyo Ciidamada Xoogga ay ku dagaalamaan deegaankaasi.