Somali News

Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo dagaalameyaasha Al-shabaab oo ka dhacay deegaanka Fiidow oo hoos taga degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen rasaas xooggan oo ay labada dhinac isweedaarsadeen.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dagaalka khasaare kala duwan uu ka dhashay, isla markaasna la jabiyay dagaalameyaasha Al-shabaab.