Uncategorized

Faah-faahino ka soo baxaya Muwaadin Soomaaliyeed oo Xalay lagu dilay koofur afrika.

Muqdisho-KNN-Cabdulaahi Maxamed Cali oo ah muwaadin soomaaliyeed  ayaa xalay lagu dilay  goob ganacsi oo uu ka ahaa wadanka koofur afrika.

Kooxda burcadda ah ayaa waxaa la sheegay in ay Marxuumka ku xireen qol yar oo dukaanka qeyb uga yaalay kadibna ay halkaasi kaga tageen, waxaana ay qaateen lacago cadaan ah iyo agab kale oo cadadooda la shaacin, sida uu warbaahinta u sheegay midka mid ah shaqaalaha goobtaasi oo lagu magacaabo Liibaan Cusmaan Cali.

Ciidamada Booliska  ayaa halkaasi waxaa ay ka wadaan baritaano la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii falkaani geystay.

Hayeshee safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Koofur Africa Jamaal Barow  uu sheegay in falkaan ay u saareen ka safaarad ahaan guddi gaar ah oo daba gala arintaan.

Xigasho:Sonna