Muqdisho-KNN-Warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ka dhacay deegaano hoostaga degmada Xudur ee Gobalka Bakool, kaasi oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo Dadka shacabka ah.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay sida ay sheegeen horjoogayaasha dadka Xoolaleyda ah in Al-Shabaab ay xoog uga kaxeysteen geel farabadan taa soo keentay inay la-dagaalamaan.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka yab-yab oo hoostaga degmada xuddur ee gobolka bakool,waxaana la sheegay in ay ku geeriyoodeen 5 ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen oo labada dhinac ah.