Somali News

Faahfaahino ka soo baxaya dagaal maanta ka socda Xeraale.

Muqdisho-KNN-In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyootay, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, kadib markii uu dagaal ka qarxay deegaanka Xeraale ee Gobalka Galgaduud.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu u dhexeeyo Ciidamo ka tirsan Ahlusuna ee ku biiray Maamulka Galmudug iyo Maleeshiyaad ku sugan  deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in wali dagaalka uu ka socdo deegaanka Xeraale, islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in dadkii ku dhaawacmay dagaalka loo qaaday isbitaalada ku yaala degmooyinka Caabudwaaq, Dhuusamareeb iyo deegaano kale.

Masuuliyiinta  Maamulka Galmudug iyo saraakiisha Ciidamada ayaan wali ka hadlin dagaalka ka socda deegaanka Xeraale.