Somali News

Faahfaahino ka soo baxaya dagaal saakay dib uga qarxay waqooyiga Dhuusamareeb

Muqdisho-KNN-Wararka aan ka heleyno gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saakay dagaal culus uu dib uga bilaawday deegaanka Qalaanqalle ee waqooyiga Dhuusamareeb.

Ciidamo ka tirsan qeybta 12-aad ee militeriga Soomaaliya ayaa gaaray deegaanada Xananbuure iyo Qalaanqalle oo xiisadaasi ay ka taagantahay, waxayna ku howlanyihiin sidii ay u kala dhex geli lahaayeen maleeshiyaadka dagaalamaya.

Ugu yaraan 15 qofood oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku geeriyootay in ka badan 20 kalena wey ku dhaawacmeen dagaal shalay ka dhacay deegaanadaas, waa Xananbuure iyo Qalaanqalle, welina waxaa halkaas ka jirta xiisadda labada dhinac oo isku uruursanaya hub iyo maleeshiyaad hor leh.

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxii hore ee xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo baaq nabadeed ka soo saaray dagaalkaas ayaa dalbadan in deg deg loo kala dhex galo dhinacyada dagaalamaya, shuruud la’aana lagu joojiyo dagaalka.