Uncategorized

faahfaahino ka soo baxaya Diyaarad ku soo dhacday gobalka Shabeelaha hoose.

Muqdisho-KNN-Wararka laga helayo  Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa  sheegaya in Xalay ay Diyaarad ku soo dhacday duleedka degmada Walaweyn.

Diyaaradaan ayaa Maamulka degmada Walaweyn waxa ay ku sheegeen in ay tahay nooca Xamuulka qaada,balse ma aysan cadeyn halka laga leeyahay diyaaradaas,iyadoona Sidoo kale Arintan ay si kulul ugu hadleen Maamulka gobalka Shabeelaha hoose.

Gudoomiye Ku xigeenka Dhinaca Maaliyadda ee Maamulka Shabeellaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa Waxaa uu sheegay inay heleen xogta ku aadan diyaaradan Shalay gelinkii dambe.

C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa intaas ku daray in Maamulka Degmada Wanlaweyn iyo Booliska Degmadaba, ay kala warbixino qaadanayaan Saraakiisha Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Mareykanka, ee ku sugan Garoonka Balli-doogle.

Dhanka kale Wararka Saakay ay Idaacadda KNN ka helayso degmada walaweyn ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa Sheegaya in Meel aan sidaasi gu fogeen degmada ay joogaan Dagaalamayasha Al-Shabaab,ciidamada Xoogga iyo kuwa Mareykanka.

Arintan ayaa waxaa la Sheegay inay Cabsi Soo wajahday Shacabka ku nool Degmada Walaweyn ee gobalka Shabeelaha hoose.

Dadka Degaanka ayaa KNN u Sheegay inay Saakay bilaabeen inay ka barakacaan Degmada walaweyn ee gobalka Shabeelaha Hoose.