Somali News

Faahfaahino ka soo baxaya gaadiid badan oo xamuul ah oo lagu gubay Sh/Hoose, Sawirro

Afgooye-KNN-Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in illaa shan gaari oo kuwa xamuulka aqaada ah lagu gubay duleedka deegaanka Yaaqbariweyne.

Gaadiidaan ayaa ka baxay magaalada Muqdisho, waxuuna u kala jiheysnaa gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, balse iyaga iyo shixnadii ay sideenba waxay ku bas-beeleen gobolka Shabeellada Hoose.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda ay ka tirsan yihiin ragga gubay gaadiidkaas, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in ragga falkaas geystay ay ahaayeen maaleeshiyo deegaanka ah.

60 gaari oo nooca xamuulka qaada ah ayaa haatan ku xayiran degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo cabsi weyn ka qaba isticmaalka wadooyinka gobolka Shabeellada Hoose.