Muqdisho-KNN-Wararka aan ka heleyno degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in goor dhaw qarax miino uu ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ama dhabarka dambe ee safaaradda Qatar ee Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa miino lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa lala beegsaday gaari ay wateen askar ka tirsan booliska Soomaaliya, sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Ugu yaraan laba askari ayaa la sheegay inay ku geeriyootay qaraxaas, kuwaas oo la socday gaariga lala beegsaday, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray askarta kale, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta ay tiradoodu dhantahay.
Durbadiiba waxaa goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo kale oo boolis ah, kuwaas oo hakad geliyay dhaq-dhaqaaqa aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana socda baaritaano ay sameynayaan.
Wixii kasoo kordha kala soco KNN