Somali News

Faahfaahino ka soo baxaya khasaare culus oo ka dhashay dagaalka Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya

Jigjiga-KNN-Wararka ka imaanaya dhulka dowlad deegaanka Soomaali Galbeed waxay sheegayaan in dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta ee ka socdo galbeedka gobolka Sitti lagu dilay ugu yaraan 100 qof, sida ay qortay wakaalada Wararka ee Reuters.


Axmed Xamiid oo ah Taliye ku xigeenka ciidanka dowlad deegaanka Canfarta ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Reuters in 100 qof oo rayid ah lagu dilay dagaalkii soo bilaabmay Jimcihii ilaa shalayna socday, waxaana uu ku eedeeyay ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida in iyagu ay bilaabeen dagaalka.


Cali Badel oo ah afhyeenka dowlad deegaanka Soomaali Galbeed ayaa sheegay in Jimcihii kaliya la dilay 25 qof wixii ka dambeeyana maalin kasta ay dagaalka ku dhimanayaan ugu yaraan 10 qof, waxa uu qoomiyada Canfarta ku eedeeyay inay dulaanka iyagu soo qaadeen.


Dagaalkan ayaa markii hore ka bilowday tuulooyinka ku teedsan xadka Soomaalidu ay la wadaagto Canfarta.


Wakaalada wararka Reuters ayaa sheegtay in labada dhinacba uu midba midka kale ku eedeenayo inuu dagaalka bilaabay.

Gobolka Siti ayaa horay waxaa gacanta loogu galiyey qoomiyada Canfarta Itoobiya, balse is badalkii siyaasadeed ee ka dhacay gobolka Soomalida ayaa sababy in maamulka Soomaalidu ay dib u sheegto gobolkaas.